Wasiirka Haweenka Iyo Arrimaha Qoyska Puntland oo kulan la qaadatay dallada ururweynaha haweenka ay ku midaysanyihiin ee WAWA (SAWIRO

Wasiirka Haweenka Iyo Arrimaha Qoyska Puntland oo kulan la qaadatay dallada ururweynaha haweenka ay ku midaysanyihiin ee WAWA (SAWIRO
Wasiirka Wasaaradda Haweenka Iyo Arrimaha Qoyska Puntland Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa kulan la qaadatay ku dhawaad 46-urur haween oo ay ku mideysan yihiin Dallada WAWA.

Kulan qado sharafaeed iyo is xogwareysi lagu qabtay xarunta Dallada haweenka Puntland ee WAWA ayey haweenku ugu soo bandhigeen Waxqabadkooda iyo arrimaha u baahan in wax laga qabto.

Guddoomiyaha Dallad WAWA Xaawo Cali Jaamac oo ugu horeyn madasha ka hadashay ayaa soo dhaweynsay Wasiika haweenka iyo arrimaha qoyska ,sidoo kalena waxay ku dheeraatay waxqabaka mudadii ay jireen

Qaar kamid ah haweenkii ku mideysnaa Dallada WAWA ayaa hadalo kasoo jeediyey ,waxayna dhammaantood isla qireen in haweenku yihiin lafdhabarta bulsho loona baahan yahay in la garab Istaago.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka Iyo Arrimaha Qoyska Puntland Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa ugu danbeyn ka mahadcelisay soo dhaweynta loo sameeyey ,waxaana ay sheegtay in loo baahan yahay in dumarka wax la baro lana soo saaro dumarka.

Dhanka kale Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa kulan kula qaadatay Hotel Gacayte hay’adaha bahwadaagta shaqo la ah Wasaaradda ee kala ah GRT,UNOCHA,WFP,TASS (TADAMUN),Save the Children iyo NRC iyagoona ka wadahadlay dardargelinta shaqo.

Marwo Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa sidoo kale tilmaantay iney muhiim tahay in dumarku wax bartaan kana qeybqaataan Siyaasada dalka ,ayna ballan qaadayaan dhankooda iney u qareemayaan dumarka reer Puntland.










BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain