Wasiirka Haweenka Puntland Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo manta kulan la qaadatay Haweenka gobolka Bari [Sawirro]

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ,waxaana ka qeybgalay Haweenka qeybahooda kala duwan sida Haweenka ganacsatada ah ,haweenka siyaasiyiinta  ah,gabdhaha Jaamacadaha iyo guud ahaan haweenka xirfadleyda caafimaadka.
Kulanka oo ka dhacay Hotel Gacayte ee magaaladda Boosaaso ayaa Ujeedkiisu ahaa is xogwaraysi u dhaxeeyey haweenka iyo Wasiirka Haweenka Anisa Xaaji Muumin kaasoo muddooyinkaanba ka socday magaaladda Boosaaso.
Haweenka (3)Ugu horeyn waxaa kulanka hadal kasoo Jeedisay Guddoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Bari Maryan Gaduudo oo soo dhaweysay wasiirada ayadoo sidoo kale ku ammaantay Wasiirka Haweenka Anisa Xaaji Muumin socdaalkeeda ay ugu kuurgalayso xaalada haweenka Puntland.
Qaar kamid ah haweenka siyaasiyiinta ah oo hadalo kasoo jeediyey kulanka ayaa ka ballan-qaaday iney la shaqeynayaan Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha qoyska Puntland,iyagoona ka codsay Wasaarada iney hoos u eegto daruufaha haweenka Puntland.
Haweenka (12)Waxayna qaarkood muujiyeen doorka muuqda iyo dadaalka ay ka qaataan horumarinta bulsho ee gobolka Bari ,iyagoona ballan qaaday iney sii laba jibaari doonaan.
Ugu danbeytii ,waxaa kulanka soo xirtay Wasiirka Wasaaradda Haweenka Iyo Arrimaha Qoyska Puntland Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo sheegtay iney qirayso haweenka gobolka Bari iney yihiin kuwa u taagan danta shacabka iyo wadaniyada Puntland.
Si kastaba ha ahaatee Wasiirka Haweenka Iyo Arrimaha qoyska Puntland Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa muddooyinkan Is xogwareysi iyo kulamo la qaadaneysay Haweenka ku dhaqan gobolka Bari iyo qaar kamid ah hay’adaha caalamiga ah ee ay bahwadaagta shaqo ka dhaxeyso Wasaarada.
Haweenka (4)Haweenka (5)Haweenka (8)Haweenka (10)Haweenka (11)Haweenka (16)Haweenka (17)Haweenka (19)Haweenka (21)Haweenka (22)Haweenka (23)Haweenka (24)Haweenka (26)Haweenka (27)
SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain