Axmed Cali Xaashi oo ku guulastaytay gudoomiyaha Barlamaanka dawladda Puntland

Murashax Xidhibaan Axmed Cali Xaashi ayaa ku guulaystay doorashada gudoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland, kadib markii uu kusoo baxay wareegii ugu dambeeyay ee doorashada gudoomiyaha.

Musharaxa guulaystay ayaa helay codad gaaraya 41, isagoo ka guulaystay murashax la tartamayay Cabdixakiin Dhoobo-daareed oo isagu helay codad gaaraya 22, Waxaana halkaasi kusoo idlaatay doorashada gudoomiyaha barlamaanka Puntand oo waayahaan si weyn looga sugayay deegaanada Puntland.

Gudoomiyaha cusub ayaa buuxindoona booskii uu baneeyay Siciid Xasan Shirre oo dhowaan iska casilay xilka gudoomiyaha barlamaanka Puntland, kadib markii barlamaanku ka keeneen mooshin.

Waa gudoomiyihii lixaad ee barlamaanka Puntland lagasoo bilaabo tan iyo markii la dhisay dowladda Putland.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain