Posts

ciidamada Badda dalka Iran oo weerar ku qaaday koox burcad badeed ah oo doon Kaluumeysi kaga haysatey degaanka Ceel Huur

Wararka ka soo baxaaya Deegaanka Ceelhuur ayaa sheegaya in ciidamada Badda dalka Iran weerar ku qaadeen koox burcad badeed ah oo doon Kaluumeysi kaga haysatey degaanka Ceel Huur.

Doontaan oo magaceeda la yiraahdo FV Maxamad ayaa waxaa saarnaa 15 Kaluumeysato ah kuwasoo burcad badeed afduubtey la aadey degaanka Ceel Huur oo hoos taga maamulka Galmudug.

Dad degaanka ah ayaa sheegey in doontaan soo weerareen diyaaradaha qumaatiga u kaca kuwasoo uu suurtagshey iney burcadda ka furtaan doontaas, Ma aysan sheegin khasaarihii halkaas ka dhacey iyadoo warar sheegayaan in weerarkaas la rumeysan yahay iney ka dambeeyeen ciidamada Badda Iran oo ku sugan biyaha badda Cas.

Doonyaha dalka Iran oo kaluumeysi sharci daro ah ka sameeya xeebaha Somalia gaar ahana kuwa Puntland ayaa weerarkaan noqonaya kii ugu horeeyey ee dalka Iran ku soo furto dad maxaabiis ah ee ay burcad badeed ka qabsato.

Dalka Iran ayaa waxaa ka jooga Biyaha Badda Cas maraakiib dagaal kuwasoo isha ku haya dagaalka ka socda dalka Yamen.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain