Posts

Ciidamada oo soo afjaray weerarki Hotel Saxafi iyo Xasan Abshir oo beeniyay in la dilay

Howgalkii ay ciidamadu ka wadeen hoteelka Saxafi ayaa gebi ahaan la soo afjaray, iyadoo ay ciidamadu haatan bilaabeen baaritaanno ay ku xaqiijinayaan ammaanka Hoteelka.

Wariyayaal ka tirsan Radio Muqdisho oo ku sugan halkaasi ayaa ku soo waramaya iney ciidamadu ku guuleeysteen soo afjaridda howlgalladii ay kaga hortagayeen malleeshiyaadki saaka weerarka ku soo qaaday hoteelka Saxafi.

Ciidamada ayaa soo badbaadiyay mas'uuliyiin farabadan oo ku sugnaa hoteelkaasi, kuwaasoo isugu jiray, xildhibaanno, saraakiil, culumaa'udiin, aqoonyahanno iyo shaqsiyaad qurbajoog ah. Kooxaha gurmadka ayaa wada daad gureeynta dadka ku dhaawacmay weerarkaasi argagixiso ee lagu qaaday hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.
Goor dhow ayaa la filayaa in tirada dhimashada iyo dhaawacay ka dhashay weerarkaasi argagixiso ay soo bandhigaan saraakiisha hey'adaha amaanka dalka.

Xasan Abshir Faarax oo Todobaadkii tagey iska-casilay, ayaa beeniyay inuu ku jiro dadkii Saakay lagu dilay Weerarkii Saxafi Hotel ee Muqdisho. Warbaahinta Gudaha& Baraha Internet-ka ay Bulshada ku xariirto ayaa waxaa saakay lasoo dhigay Warar sheegaya in Xasan Abshir Faarax lagu dilay Weerarka. Maxa'ed Cali Ameeriko, Safiirkii hore ee Somalia u fadhiyay Nairobi ayaa sheegay inuu Xasan Abshir uu Taleefoonka kula xariiray, islamarkaana uu badqabo.

Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Jen Dhega-badan& Xildhibaan Cabdi Maxa'ed Abtidoon iyo Mulkiilihii Hoteelka C/rashiid Ilqeyte ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Weerarka.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari.
Developed by Jago Desain