Ciidanka Booliska Gobolka Gardafuu oo tababar loo furayo

Dowladda Puntland ayaa tababar sheegtay inay u furayso ciidanka Booliska Gobolka Gardafuu si kor loogu qaado shaqada ay ka hayaan gobolka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Cabdirisaq Afgudud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan tababar lagu xarayn doono dhamaan Ciidanka Booliska Gobolka Gardafuu, taas oo qayb ka noqon doonto dib uhabayn wayn oo baryahan lagu waday ciidanka Booliska Puntland.

Gen. Afgudud ayaa sheegay in mudo dhan sadex bilood ciidanka Booliska ee Puntland isbedel wayn ku yimid, sidoo kalena uu rajaynaayo in sadexda bilood oo soo socda la dareemi doono kor u kaca tayadda ciidanka Booliska Puntland.

Sanadkan ayaa ahaa sanadkii tiradda ugu badan ee ciidan boolis tababar la siiyo iyo dhamaan agabkii shaqadda .

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale diwaan galisay dhamaan ciidanka Tababarka soo dhamaystay, halka Taliyaha uu sheegay in Mushaarkoodii ay si joogta ah u qaateen mudooyinkii danbe.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain