DEG DEG: Odayaasha Puntland ee wadey Nabaddeynta oo ku dhawaaqay in ay GALMUDUG ka socon weyday Nabaddii.

Odayaashii ka soo jeeday Puntland ee maalmahan oo dhan ku mashquulsanaa sidii wax looga qaban lahaa Xiisadii colaaddeed ee ka jirtay magaalada Gaalkacyo, waxa ay goor dhaw ku dhawaaqeen in ay burburtay Waan-waantii ay wadeen, isla markaasna ay dawladda ku wareejiyeen xaalada magaalada Gaalkacyo.

Nabadoon Raage Maxamuud Gaani oo ka tirsan waxgaradkii Puntland ee waan-waanta wax kawaday ayaa isagoo la hadlay mid kamid ah mareegaha Puntland laga leeyahay waxaa uu si cad u sheegay in Odayaasha Galmudug ay ka baxeen waan-waantii wada hadalkiina uu burburay.

Nabadoon Raage Maxamuud Gaani ayaa yiri "Waanwaan waa wadnay maalmahaan waxaanaaan dawladda ka codsanay inaan anaga arrinka galno mudo waa nala sugayay sidaad ogtihiin wali wakhtiga dhowr jeer ayaa korarsanay intaasna waxaa sidaas u samaynaynay waxaa ay ahayd in nabad la helo walaalaheena Galmudug ayaana ka baxay nabadii aan wadnay".

Nabadoonka ayaa sheegay in shir ay la yeesheen dhanka Masuuliyiinta Puntland ee Gaalkacyo jooga ay gacanta ka galiyeen hawshii magaalada ayna u sheegeen inay kusoo guul daraysteen hawlihii nabadaynta oo maalmaha ay ku mashquulsanaayeen.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain