Posts

Gobolka Gardafuu oo laga dareemayo Xaalad Kacsanaan oo dhanka bada ah

Gobolka Gardafuu ee Puntland oo ka mid ah meelaha sida wayn looga digay inuu ku dhufato Duufaanta Jabala ee kasoo bilaamatay Xeebaha cumaan ayaa xalay iyo saakaba waxaa laga dareemayaa kacsanaan dhanka bada ah sida ay sheegayaan qaar ka mid ah Maamulka Degmooyinka Gobolka.

Gudoomiyaha Degmada Bareeda ee Gobolka Gardafuu Siciid Yuusuf Diiriye ayaa ka hadlay kacsanaanta bada ee la dareemayo, waxaana uu sheegay in dadku si wayn uga xabsi qabaan duufaanta Jabala ee Dhanka Cumaan ka imanaysa taas oo mar horaba laga dareemay xeebaha Dalka yeman ee Gobolka Gardafuu ay xaduudka leeyihiin.

Gudoomiyaha ayaa dadka ugu baaqay inay isaga baxaan meelaha godan, waxaana intaas uu raacshay in kacsanaanta bada aan laga dareemin bareeda kaliya balse meelo kale oo Gobolka ka tirsana laga sheegay.

Waxaa uu Gudoomiyuhu intaas raacshay inay jiraan doonyo xalay ay badu la tagtay kuwaas oo xeebta aad ugu dhawaa, sidoo kalena dadka ayuu sheegay inay si wayn u feejiganyihiin.





SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain