Posts

Beesha Mudulood oo mowqif cad ka qaadatay iskuna raacday in qaab degaan wax lagu doorto hadii ay taasi wax ka duwan la keenana aysan qeyb ka aheynin beeshu (sawiro)

Kulan Balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen Beesha Mudulood ayaa waxaa ay kaga hadleen Qodobo muhiim ah kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen diyaargarowga Hiigsiga 2016ka qaabka loo wajahaayo doorashadda Xiliga kala guurka, u diyaar garowga ka qeyb qaadashada xiligaasi ee dhanaca beesha iyo Doorka ay ku leedahay arimhaasi, sida ay u aragto in ay u dhacdo doorashadaasi xiliga kala guurka, waajibaadka beesha ka saaran arimhaasi, iyo qodobo kale ooku wajahan qorshaha 2016ka.

Kulankaasi oo ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsanaa dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray, Raiisul wasaarihii Prof. Cali Maxamed Geedi, Siyaasiyiin kala duwan, Nabadoono Odoyaasha Dhaqanka, Culumaa’udiinka, Haweenka, dhalinyaradda, Barbaarta gaashaman iyo xubno kale.

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay Ex Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo si weyn uga sheekeeyay marxaladihii uu soo maray dalka, gaar ahaan 25kii sanno ee burburka uu ka jiray dalka iyo wax qabadkii dawladihii KMG ahaa ee soo maray dalka oo uu isagu wax badan ka soo qabtay, waxaana uu si qoto dheer uga hadlay Beesha Mudulood oo uu sheegay in ay tahay Saldhig Soomaaliya inteeda kale, isagoo intaasi ku daray in beeshu ay weligeedba ku hawlaneed isku soo dumidda Soomaliya, waxaana uu sheegay in ilaa iyo haatan ay ku hawlan tahay arintaasi si loo helo Nabad, horumar iyo in Soomaaliya aynoqoto dawlad cagaheeda ku istaagto.

Salaad Cali Jeelle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in beesha Mudulood ay weligeed horseed u aheed dhanka nabadda, waxaana uu sheegay in 2012kii dawladii uu hogaaminayay Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu heshiis lagu magacaabay Garoowe one iyo Garoowe Two) oo kaga qeyb galay magaaladda Garowe iyo weliba Magaalada Gaalkacayo waxaana uu sheegay in uu heshiiskaasi meel maray, waxaana uu xusay in maanta Soomaliya ay ka gudubto Nidaamka 4.5 ee ay u gudubto Nidaamka doorashadda 2016ka qaab deegaan kaas oo uu sheegay in uu shacbiga Soomaalliyeed u yahay qaab ay wax ku dhisan karto oo ah one Maan One Vote.

Md Salaad waxaa kaloo uu sheegay in 2015ka xili la sugaayay in ay arintaasi dhaqan gasho ay dawladda haatan hogaamiso dalka ay ku dhawaaqday in aanu dhici Karin doorasho xor ah 2016ka , basle ay dhici karto doorasho qaab kale ah , sidaasi awgeeyd waxa uu sheegay mar hadii ay taasi dhacday in beesha Mudulood ay mowqif cad ka qaadatay iskuna raacday in qaab degaan wax lagu doorto hadii ay taasi wax ka duwan la keenana aysan qeyb ka aheynin beesha Mudulood ayna qaadeceyso.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Salaad Cali jeele in beesha Mudulood ay ka xuntahay in maanta dib loogu Noqdo Nidaamkii 4.5, taas oo uu sheegay in ay tahay waxaan soconeynin, beesha Muduloodna ay banaanka ka tahay arintaasi iyo cidii ku lug lehba kamana qeyb gali doonto qorshahaasi haatan la waddo” ayuu Yiri Ex Salaad cali Jeele.

Dhinaca kale waxaa iyagana kulankaasi ka hadlay Ex Xildhibaan Xuseen Caraale Maxamed, Nabadoon Xaaji Muhudiin Xasan Afrax, Prof Ciise Nabadoon C/raxmaan Qaloosh, Nabadoon axmed gaari, Nabadoon Axmed Mahad Xasan Shariifo Cadoow jilacoow, iyo Maxamed Cumar Deele, kuwasi sheegay in maanta loo baahan yahay in lagu dhaqmo Dastuurka horay loogu heshiiyay iyo sharciga federaalka oo si cad u qeexaaya in higsiga 2016ka ay u dhacdo doorasho xor ah, waxaana ay Xuseen in aanan atintaasi la meel marin oo loo wajaho sida ay tahay cidii wax kale la timadana ay tahay cid dooneysa in ay carqaladeyso geedi socodka Higsiga 2016ka.

Intii uu kulankaasi socday waxaa isna ka hadlay Ex Xildhibaan Maxamuud Geedi aw Hilowle oo ku hadlayay codka jaaliyada Soomaliyeed ee ku mool 5ta qaaradood ee aduunka isagoo sheegay in ay u soo dhiibeen fariin cad oo ku wajahan Hiigsiga 2016ka iyo in beesha Mudulood ay u hawlgasho cidii hogaamin laheed iyo in ay gacan ku siiso hogaan kasta oo ay beesha yeelato si ay wax ula wadaagto Soomaaliya inteeda kale.

Gabagabadii waxaa kulankaasi ka hadlay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi oo sheegay in mar hadii la yiri sanduuq iyo Cod xor ah ma dhici karaan 2016ka, taas badelkeeda waxaa looga fadhiyaan in ay keento wax u cuntami kara Soomaaliya, waxaase uu ka digay in hadii dib loogu laabto nidaamkii 4.5 masuuliyadeedda ay qaadaneyso cidii keentay qorshahaasi, isagoo sheegay in maanta Soomaaliya ay u baahan tahay in wax lagu qeybsado qaab deegaan oo kaliya sidaasina ay Soomaaliya ku hanan karto dawladnimadeeda iyo horumarkeeda.

BAARGAAL.NET
MOGDISHO- SOMALIYA

Developed by Jago Desain