Dawladda Mareykanka oo ugu baaqday Dhinacyada Siyaasada Somalia in ay go’aan kama dambeys ah ka gaaraan Doorashada 2016-ka

Dawladda Maraykanka ayaa bogaadisay shirkii madasha wadatashiga ee shalay magaalada Muqidisho lagu soo gabagabeeyey, iyada oo warbixin ka soo baxday wasaaradda arrimaha Dibadda laguamaanay dadaalada la doonayo in lagu gaaro hanaan doorasho oo la isku raacsan yahay, kaas oo dhameystiran, daah furan, isla markaana sharci ku dhisan.

Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay Beesha Caalamku kaalinteeda ku aadan taageerida Soomaalidu uu yahay mid la xariira Arrimaha Siyaasada iyo taageerida dhanka Amaanka, loogana baahan yahay talada hoose in ay ayagu go’aankeeda gaaraan.Waxay dhamaan ka qeyb galayaasha lagu boorriyay inay meel dhexe iskugu yimaaddaan, isla markaana ay adkeeyaan sidii ay heshiis kama dambeys ah u gaari lahaayeen 10ka bisha January ee sanadka foodda inagu soo haya.

Hadalkan dawladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu si adag u taageerayo in labada waaxood ee sharcidejinta iyo fulinta aan waqtigooda la kordhinin, iyada oo la tix raacayo qaraar  Golaha Amniga ee QM horay uga soo baxay, kaas oo tirsigiisu yahay 2232.

BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HOEUMARKA DEEGAANADA CALBARI

Developed by Jago Desain