Gen Moorgan oo loo magacaabay la taliye milateri

General Maxamed Saciid Xirsi Moorgan ayaa loo magacaabay la taliyaha dhinaca milateriga ee xafiiska raysul wasaaraha Soomaaliya, sida warbaahinta ay u xaqiijiyeen ilo ku sugan xafiiska raysul wasaaraha soomaaliya

Wararka  ayaa sheegaya in General Moorgan dhowaan loo magacaabay xilkan si uu doorkiisa iyo khibraddiisa ugu biiriyo dadaallada ay waddo xukuumadda Cumar Cabdirashiid ee dhismaha ciidan qaran oo loo dhan yahay.

Magacaabistiisa ayaa imanaaysa xilli ay socdaan dadaallo la doonayo in lagu dhiso ciidan qaran oo tayo leh.

Gen. Moorgan ayaa bilahan ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho si uu howsha loo igmaday u gudagalo.

Gen. Moorgan wuxuu soo noqday wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliyaee xukuumaddii Siyaad Barre, waxaaana xilligaasi taliskiisa hoos-tagayay ciidan lagu qiyaasay 54,000 oo askari oo qaranku lahaa.Wuxuu tababarro ku soo qaatay dalalka Talyaaniga iyo Mareykanka.

BAARGAAL.NET
Oshawa wararka horumarka calbari
Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain