Kalluumaysatada degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu oo cabasho ka Muujiyay Kalluumasiga Sharci darada ah

Kalluumaysatada degmada Baargaaal ee Gobolka Gardafuu oo noloshoodu ay ku xiran tahay badda ayaa cabasho ka muujiyay Gaadiidka badda ee Kalluumaysiga sharci-darada ah ka wada xeebaha Puntland.
Warsaxaafadeed uu soo saaray ururka kaluumaysiga Degmada Baargaal ayaa lagu sheegay inay dhibaato badan kala kulmaan Ajaaniibta Jariifaya xeebaha Puntland.
Dawlada Puntland,gaar ahaan Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Puntland ayaa loogu baaqay inay si deg deg wax uga qabato xaaladan,maadama ay nolosha bulshadu 90% ku tiirsan tahay badda.
Madaxwaynaha Dawlada Puntland c/wali maxamed cali Gaas ayaa horay  Kallumaysiga sharcidara ah ku tilmaamay inuu yahay Masiibo Qaran, laakin dawlada puntlnd ayaan qaadin wali talaabo adag oo wax loga qabanaayo dhibatadan saamaynta wayn ku yeelatay dhaan xeebaha puntland
BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain