SAWIR:- Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Kornayl Barre Hiiraale oo Kulmay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in ay maanta  kullan albaaba u xirnaayeen ku yeesheen Hoyga Kornayl Barre Aadan Shire “ Barre hiiraale “ iyo Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe”.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Madaxweyne Axmed Madoobe uu  Kornayl Barre Hiiraale ku booqday Hoygiisa magaalada Muqdisho si uu ugu  qanciyo inuu tanaasul sameeyo oo uu ka qeyb qaato Nabadda iyo hormarka deegaanada jubooyinka iyo Gedo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale Waxa uu  Kornayl Barre Hiiraale ka codsaday inuu u diyaar garoobo ka qayb qaadashada shirarka maalmaha soo socda ka furmaya magaalada Kismaayo ee dibu hesiisiinta iyo xasilinta deegaanada Jubooyinka iyo Gedo.

Ilo wareedyadeena ayaa waxa ay sheegayaan in Kulanka u dhaxeeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Kornayl Barre Hiiraale uu ku soo dhamaaday jawi is afgaradiyo marxabayn.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari

Developed by Jago Desain