Shil Gaari oo Sababay dhaawaca Dad Badan oo Saaka kadhacay Jidka Sodanka ee Boosaaso (Sawiro)

Gaari Bas ah oo ah kuwa Rakaabka qaada Ama lo yaqan BL ayaa dad gaaraya 23 qof kasoo qaaday Kaamka Barakacayaasha ee Buuraha ,halkaas oo ay kunoolyhiin dad badan oo Barakacayaal ah,balse garigaas markuu marayeey Jidka 30-ka ayuu gadoomay waxaana dhwacyo kala duwan soo gareen dad gaaraya 20 qof oo dumar u badan.

Waxaa jira in Darawalka gaariga uu Ka bad baaday shilka isla markaana dhawacyo kala duwan ay soo gareen Haweenkan oo u badnaa kuwa kashaqaysta suuqa ama Magaalada Nolol malmeedkana karaadiya suuqa.

Dhaawacyada kala duwan ee dadkan ayaa la dhigay Cisbitaalka weyn ee Magaaladda boosaaso,halkaas oo lagu dabiibayo
Hoos kadaawo sawiradda laga soo qaday gaariga shilka galay

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari

Developed by Jago Desain