Posts

War deg deg ah: maleeshiyada Galmudug oo kusoo durkay duleedka xaafada Garsoor iyo ciidanka Puntland

Ciidamada amniga dowladda Puntland ayaa ka hortagay maleyshiyaad katirsan Galmudug , kuwaas oo saaka kusoo durkay duleedka xaafada Garsoor.

Arrintaan ayaa muujinaysa daandaansiga qaawan ee maleyshiyada Galmudug kudoonayso inay kusoo xadgudubto dhulka Puntland, waxaana arrintaan horey uga digay dowladda Puntland.

Iskudayga qaawan ee maleyshiyada Galmudug ayaa dhaawac ugeysan kara howlaha nabadeed ee Gaalkacyo ka socda oo ay garwadeenka ka tahay dowladda federalka Soomaaliya.

Xaalada ayaa hadda dagan inkastoo rasaas goos goos ah laga maqlayay xaafada Garsoor.
Developed by Jago Desain