Deg deg: Ganacsade caan aha oo caawa lagu dilay magaalada Bossaaso

Deg deg: Ganacsade caan aha oo caawa lagu dilay magaalada Bossaaso
Allaha ha u naxariistee waxaa daqiiqado kahor lagu dilay magaalada Bosaaso ganacsade ka mid ahaa ganacsatada ugu waawayn ee Puntland oo lagu magacaabi jiray Xirsi Adduunyo.

Ganacsadaha ayaa la dilay kadib salaaddii cishaha , lamana oga sababta iyo cidda dilka gaysatay, ganacsadaha ayaa magaalada Bosaaso ku lahaa warshad biyaha Sifaysa Shaafi, , shirkad macmacaanka ka ganacsata Xalwo Hubaal , lawaajo, faratooyooyo iyo kaalin shidaal.

Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain