JAAMACADDA AMITY EE DALKA HINDIYA OO SOO GABA-GABEYSAY IMTAAXAANADKII PUNTLAND

JAAMACADDA AMITY EE DALKA HINDIYA OO SOO GABA-GABEYSAY IMTAAXAANADKII PUNTLAND
Gobolada Soomaaliya ayaa waxaa maanta oo Arbaca ah si rasmi ah loso Gabagabeeyay Imtixaanka Semester-ka 3-aad Master Degree Ee Jaamacadda Amity ee dalka Hindiya oo hab Online ahaana ay ardaydu wax uga bartaan,waxaa fududeeyay Vision International College iyo Jaamacadda PUST.

Ardayda ka faa’iidaysta Mashruucaan waxaa ka mid ah Wasiiro,wasiir ku xigeenno,xildhibaaano, shaqaalaha xukuumadda,macalimiinta Jamacadaha ,Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha shirkadaha;-sida Shirkadda Weyn ee Golis,Hormuud iyo kuwa kale oo gaar loo leeyahay.

Mashruucaan oo lagu baranayo qaab maqal iyo muuqaal ah ardayduna ay si toos ah wax oga baranayaan Jamacaddaha ugu caansaan dowladda India ,ayaa laga hirgaliyay Somalia 2009kii waxaan nasiib u yeeshay boqolaal araday in ay ka faa’iidaystaan mashruucaan kana qaatay shahaadada 2-aad ee Jamacadda (Masters degree ).

In ka badan 350 arday ayaa u fariistay imtixaankii Jamacadda heer master (Masters degree) oo marayaa heer gabo gabo.

Munaasabada lagu soo afmeeray Imtixaanka oo ka dhacday magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka qayb galay Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland,Xidlhibaano ka tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya,Maamulka Machadka Caalamiga ah ee VISION iyo Marti sharaf kale.

Mas’uuliyiinta Dawlada Puntland ee ka qayb galay Munaasabada,ayaa kala ahaa;-Wasiirka Deegaanka iyo duurjoogta Dr. Ali Abdullahi Warsame,Wassiirka Ganacsiga Dr.Abdiwali indha guran,Waasiiru dowlahaa Kaluumaysiga – Dr. Kulmiye iyo Waasiir ku xigeenka wasaarada kaluumeeysiga Mohamed Ali Gabax.

Guddoomiyaha Collegka caalimaga ee Vision Maxamed Xassan Sulaymaan oo Daahfuray Munaasabada,ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay Madaxda kaso qayb galay Munaasabada lagu soo afmeeray Imtixaanka Semester-ka 3-aad Master Degree Ee Jaamacadda Amity ee dalka Hindiya

Guddoomiyaha Mashruuca Waxbarashada sare ee Pan-African e-Network Project Isxaaq Axmed Muuse,ayaa sheegay in Pan-African e-Network Project uu yahay mashruuc ay dowladda india ugu deeqday 53 wadan oo afrikaan ah lagana bilaabay 2009.
Wuxuu intaas ku daray in Mashruucan uu si habsami leh uga shaqeeyo Gobolada Soomaaliya.

Xildhibaan Prof.Abdirizaq Osman Hassan Juriille oo ka mid ah Masuuliyiintii keentay mashruucaan Somalia xilligii uu ahaa Wasiirka Isgaarsiinta dowladda fedderaalka ah ee Somalia,ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu Miradhalay Himiladii ay ku taamayeen.

Prof.Abdirizaq Osman Hassan Juriille ayaa Maamulka iyo Macalimiinta Collegka caalimaga ee Vision uga mahadceliyay hawsha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda deegaanka,Duurjoogta iyo arriha Dalxiiska Dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warasme,ayaa Ardayda Jaamacadda Amity ku booriyay inay ka faa’iidaystaan fursada qaaliga ah ee dalkooda ay ka heleen.
Ujeedooyinka loo Aasaasay Mashruucan ayaa waxa ka mid ah In la kobciyo waxbarashada ,cafimaadka iyo isgaarsiinta ayadoo la adeegsanayo aaladda casriga ah ee tele-conferencing

Vision international college oo xruntiisa ugu wayn ay tahay magaalada Bosaso ayaa suurta galiyay in uu mashruucaan (Pan-African e=network) ka hir galo Bosaso ,Growe iyo qeyb ka mid ah Somali land.
College-ka oo caan ku ah in uu marti galiyo waxbarasho caalami ah sida Jamacadda India,Talyaaniga ay hadda ku howlan sida uu keeni lahaa barnaamijo cusub oo lagu baranayo qaabka casriga ah .

Sidoo kale waxaa dowr muhiim ah ka qaatay Jamacadda Puntland University of Science and Technology oo basekeedu Gaalkacyo oo uu qalabka casiriga ah yaallo.

Waxaa xusid mudan in Imtixaanka la galay uu ka koobnaa;-

Business Administration (Masters, Bachelors and Diploma)
Financial Management (Masters, Bachelors and Diploma )
Diploma in business management
Post graduate Diploma in information Technology.

Daawo Sawiradda :

111  3 5   8 10  12-1 17 24  30 33
Developed by Jago Desain