Posts

Akhriso: liiska magacyada Safiirada Cusub Qabiiladooda iyo dalalka loo kala Magacaabay



Xubnaha golaha wasiirada dolwada Federalka Soomaaliya ayaa isugu yimid kulankoodii todobaad laha ahaa, kaas oo looga hadlay laba qodob oo kala ahaa gurmad loo fidiyo deegaanada abaaraha saameeyeen iyo in la ansixiyo 6 safiir oo cusub oo ay soo gudbisay wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya.

Waxaa kulankan shir guddoominayay ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda C/laahi Axmed Jaamac (Ilkajiir). Iyada oo la iska sii ogaa natiijada ka soo bixi doonta magacaabista safiirada cusub, ayaa golaha wasiiradu waxay ka doodeen xubahan cusub ee la magacaabayo, doodan oo ahayd qiiq isku qarain, maadaama mar hore Xasan Sheekh, Cumar C/Rashiid iyo Jawaari isku soo waafaqeen lixdan qof in laga dhigo safiiro cusub.

Hoos ka aqriso magacyada safiirada cusub:
1. C/Raxmaan Ducaale Bayle (Dir, Gadabuursi). Waa wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Soomaaliya, haddana waxaa loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiyi doona Qaramada Midoobay (United Nation, New York).
2. General C/Raxmaan Sheekh Ciise: (Beesha Silcis, Beesha 5-aad). Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub (European Union).
3. Abuukar Cabdi Cismaan: (Beesha Digil iyo Mirifle). Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona dalka Koonfur-Afrika.
4. Cali Shariif Axmed: (Beesha Digil iyo Mirifle). Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona dalka Faransiiska.
5. Fakaru-diin Maxamed: (Beesha Digil iyo Mirifle). Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona dalka Kenya
6. Maxamed Xasan Cabdi (Maadeer): (Beesha Digil iyo Mirifle). Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona dalka Turkey.

Dadka falanqeeya siyaasada Soomaaliya ee qabiilka iyo qabyaalada ku dhisan ayaa arintan ku tilmaamay inay tahay talaabo Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Damul Jadiid ay rabaan in ay codad badan ka helaan beelaha Digil iyo Mirifle, Dir iyo beesha 5-aad, maadaama aysan isku halayn karin codadka beelaha Daarood iyo Hawiye waqtiga doorashada bisha Ogosto 2016.
Developed by Jago Desain