DEG DEG: Puntland oo Sharuudo culus hor dhigtay Ra’iisulwasaare Sharmaake & iyo Ra’iisulwasaaraha oo lafilayo in uu booqasho ku soo gaaro gobalka Bari

DEG DEG: Puntland oo Sharuudo culus hor dhigtay Ra’iisulwasaare Sharmaake & iyo Ra’iisulwasaaraha oo lafilayo in uu booqasho ku soo gaaro gobalka Bari
wararka laga helaayo wadahadalka Dawlada Puntland iyo Dawlada Fedraalka Soomaaliya ayaa sheegaaya  in maanta guddiga Wada hadalada ee dawladda Puntland ugu qaabilsan Dhinaca dawladda Faderalka ay sharuudo adag ku xireen in ay aqbalaan Nidaamka 4.5, oo ay diideen Shacabka Puntland oo dhan.

Qodobada ay soo gudbiyeen Guddiga waxaa kamid ah.

1. In guud ahaan la Baabiiyo Guddiyada hadda magacaaban ee Heer Faderaal, oo ay si iskood ah u magacaabatay dawladda Faderaalka.

2. In dib loogu laabto Dastuurkii Rasmiga ahaa ee Lixda Saxiix lahaa oo ay horey daaqada uga tuurtay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

3. In magaalada caasumadda ah laga wareejiyo Muqdisho, isla markaasna dib looga wada hadlo halka noqonaysa caasumad rasmi ah oo ay Soomaaliya yeelato, maadaama hadda Muqdisho ay noqotay meel Gumaad loogu geysto qof kasta oo aan aheyn Beesha haysata.

4. In Deeqaha Caalamku siiyo Soomaaliya si madax banaan Puntland qeybteeda loo siiyo, tan iyo inta la helayo dawladd si Cadaaladd ah u maamuli karto deeqahaas.

5. In guud ahaanba Heshiisyada Dibada ee Maalgashiga & horumarinta ay Puntland u madax banaanaato.

Iyo qodobo kale oo ay kamid yihiin in la helo damaanad qaad rasmi ah oo ka duwan kuwii horey u dhacay.

Qodobadan waxaa xaqiijiyey xubno sare oo kamid ah guddiga wada hadalada ku jiray, waxa ayna sheegeen in ay Jawaab ka dhawrayaan dhinaca Ra’iisulwasaaraha oo lafilayo in uu booqasho u gaaro gobalka Bari, sida ay sheegayaan warar soo baxaya.

Soo jeedinta Puntland waxay meesha ka saaraysaa hadda warar soo baxayey saacadihii u dambeeyey oo lahaa Puntland waxay qaadatay Nidaamka 4.5, taas oo hadda meesha ka baxday, maadaama qodobada ay soo jeediyeen guddigu ay yihiin kuwa aan meelmar ka noqon karin dhinaca dawladda Faderaalka.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Calbari 
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain