AMNIGA BOSASO OO LA ADKEEYAY IYO HOWLGALO CIIDAMADU AY KA WADAAN GUDAHA MAGAALADDA


Taliyaha booliiska  Dowladda Puntland Gen Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf Afgaduud ayaa Sheegay in amniga Bosaso la laba jibaaray isla markasna kor loo qaaday, si looga hortago in Qarxyo iyo khalkhal dhinaca amniga ay ka gaystaan kooxda Al-shabaab.

Taliye Afgaduud ayaa hadalkan ka sheegay kullan aan caadi ahayn oo looga hadlay amniga gobolka, waxaana  ka qaybgalay Wasiirka Xanaanada xoolaha Cabdi jamaal, guddiga amniga gobolka bari oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka gobolka Bari Axmed Cabdullaahi Ciro, Taliska booliska puntland, iyo saraakiisha Saldhigyadda Dekeda, Garoonka iyo  Guud ahaa ciidamada kala duwan ee ka howlgala Booliska gobolka bari.


Gen Cabdirisaaq Afgaduud ayaa digniin u diray darawalada iyo Mulkiilaha gawaarida,dadka guryaha kireeya iyo dhammaan bulsho weynta reer Puntland,waxaa kale uu uu amar ku bixiyey inaysan baabuurlayd isaga gooshta Galkacayo iyo Bosaso qaadin  qof aanay haybtiisa garaynayn.

“ cadowgu wuxuu doonayaa inuu isticmaalo farsamooyin kale oo ah Qof miskiin ah oo iskqarxiya iyo gaarin lagu xiro waxyaabaha qarxa iyo waxyaabe kale ayay hadda (shabaabku) maagan yihiin inay sameeyaan” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay.

“ Waxaa bilaabaynaa Howlgalo lagu sugayo amniga, gurigii lagu helo qof shabaab ah ama qof cadow ku ah puntland ha ogaadeen qofkii lahaa inuusan dib u arkayn, waxaa kaloo digniin ka bixinaynaa cidii qarisa wuxuu noola mid yahay Shabaab , Baaburkii soo qof shabaab ah  isagana waa lala wareegayaa” ayuu yiri sii raaciyay taliyaha booliska puntland.

Taliska booliska iyo wasiirka xanaanada xoolahaGees kale, Taliyuhu waxaa  kaloo uu ka  hadlay halkii ay ku dambeeyay ina kabadan 150 qof oo lagu soo qabqabtay howlgalo ciidamadda booliska gobolka bari ay ka sameeyeen magaaladda bosaso, toddobaadkii hore,. Waxaa uu sheegay in baaritaan lagu sameeyay , intii badnayd la sii daayay, qaarkoodna lagu tuhunsan yahay inay kooxda al-shabaab ka tirsan yihiin ama la shaqeeyay, kuwasoo uu sheegay in  baarintaano dheeraad ah lagu samayn kadibna maxkamad loo gudbin doono.

Guddoomiye K/xigeenka gobolka bari  Axmed Cabdullahi Ciro oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in amniga bosaso uu wanaagsan yahay, hase yeeshee loo baahan yahay in dowladda iyo shacabku ay iska kaashadaan sidii loo ilaalin lahaa amniga,xalisoonida iyo ganacsiga ka jira magaaladda bosaso iyo guud ahaan puntland

Magaaladda bosaso oo ku sugan yahay madaxweyne kuxigeenka puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camay, waxaa ka socda caawa howgalo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ah, waxaana ciidamo farabadan lagu daadiyay dhammaan goobaha muhiimka ee magaaladda, waxaa kaloo isbaarooyin laga sameeyay qaybo ka mid ah magaaladda.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararaka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain