BaargaalTech: Shirkada Facebook oo (Messenger) ku soo kordhisay wicitaanada codka ee wadajirka ah

BaargaalTech: Shirkada Facebook oo (Messenger) ku soo kordhisay wicitaanada codka ee wadajir ah
Shirkada Xiriirka Bulshada ee Facebook ayaa ku dhawaaqay update cusub oo ay ku soo kordhisay barnaamajkeeda (Messenger) oo taageeraaya wicitaanada codka wadajirka ah ( Group Voice Chatting )

shirkada Facebook ayaa sandkii 2014 waxay soo kordhisay adeega cod isu dirida laakin wuxuu ku koobnaa wadahadalo laba geesood ah oo keliya, laakiin laga bilaabo hadda dadku waxay awoodi doonaan inay cod ku wada hadlaan si wadajir ah ayaagoo dhawr qof ah.

Shirkadda ayaa sheegtay in wicitaanada codka wadajirka ah uu u soo bixi doono dadka haysta update-kii ugu danbeeyay ee Andriod iyo IOS , iyadoo icon cusub (Calaamad) ay ka dhex muuqan doonto qolka jaatka ee group .

hagaha group-ka ama Admin-ka oo ah qofka abuuray qolka chat groupka ayaa xakamayn kara ka qayb-galayaasha , halkaas oo uu dooran karo xubnaha chat ee uu rabo in lagu daro wadahadalka

dhinaca kale shabkada Xiriirka Bulshada ee Facebook ga ayaa keentay update cusub oo suurtagalinaaya isticmaalka in ka badan hal account waqti isku mid ah( waa qofkii leh laba Facebook asxaabta )


waxaana hada suurtagal ah inaad ka  ka gali karto in ka badan hal account hal qalab , taas oo ah adeeg waxtar u leh kuwa leh account shirkadeed ama account shakhsi , kuwaasi mar danbe u baahan maayaan inay ka baxaan akoonkooda (logout

Shirkada Facebook oo war qoraal ah arintan ka soo saarta ayaa sheegtay in dad badan ay wada isticmaalaan hal copmuter ama smartphone, waana caado caadi ka ah xubnaha qoyska dhexdooda  , taas oo ah sababta injineerada "Facebook" ay ku garteen baahida loo qabo in si fudud ay dadkaas u wada isticmaalaan hal Qalab 

waxaana laysaga xiriirin karaa akoonda ayadoo la tagaayo khaanada (Settings ) , ka dibna Accounts lana galinaayo  e-mailada ama lambarka taleefanka, iyo passwordka 

wixii tafaasiil ah oo intaas dheer waxaad soo waydiin kartaa bahda 

Baargaal Tech | 


Developed by Jago Desain