Daawo Muuqaal: Laba Beelood oo mudo dheer colaad ka dhaxeeysay oo heshiis ku Gaaray magaalada Boosaaso

Daawo Muuqaal: Laba Beelood oo mudo dheer colaad ka dhaxeeysay oo heshiis ku Gaaray magaalada Boosaaso
Kulankan ayaa ahaa wajigii 2-aad oo lagu heshiisiinayey 2-beelood oo walaalo ah kuwaas sanadihii lasoo dhaaf dagaal ku dhexmaray qaybo kamida gobolada bari iyo karkaar,

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen xildihibaano, waxgarad isimo iyo odayaal kasocday 2-beelood ee dirirku dhexmartay deegaano puntland ka tirsan,

Waxaana ay kulanka si wada jira uga sheegeen 2-dhinaca in lasoo afjaray xurguftii dhextaalay isla markaasna lawada gaarey heshiis dhaqan galay.

Nabadoon ciise jaamac maxamed oo kulanka goob joog ka ahaa ayaa sheegay in db uheshiisiinta labada beelood lagu guuleystey, islamarkaasna sharaxay waxyaalaha ay beelood ku heshiiseeyeen.

Caaqil maxamed aadan afr libaaxle ayaa dhankiisa bogaadiyey heshiiska ay wada gaareen labada beelod isagoona shaaca ka daaqay in heshiiska labada beelood uu qayb ka ahaa in layska dhaafo wixii dhabar jab ku ah siyaasada labada beelood

Siyaasi maxamuud yuusuf max-koof oo qabanqaabada kulan qayb ahaa ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay heshiiska beelaha taasi uu xusay ineysan cidina ka qayb qaadan

Dirirta u dhaxeysay labadaan beelood ayaa Ku dhawaad 20-sano ka taagneyd Deegaano hoostaga Puntland.

Halkan Ka daawo Muqaal 

Halkan ka daawo Muuqaal



SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka  Calbari 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain