Dawlada Puntland oo Lagu qanciyay inay Qaadato nidaamka qabiilka ee 4.5 , Maxaase Badalkeeda loo ogolaaday Puntland

Dawlada Puntland oo Lagu qanciyay inay Qaadato nidaamka qabiilka ee 4.5 , Maxaase Badalkeeda loo ogolaaday Puntland
Waxaa ka soo baxaaya ilo wareedyo ku sugan Madasha wadaxaajoodka Dawlada Puntland iyo Dawlada Fedraalka Soomaaliya warar sheegaaya in Dawlada Puntland ay qaadatay Nidaamka wax ku qaybsiga habka qabiilada ee 4.5 loo yaqaano kaas oo ay horay u diiday shacabkeedana talada dib ugu soo celisay, islamarkaasina shacabka Puntland dal iyo dibadba ay isku raaceen inaan 4.5 mar dambe lagu dhaqmi karin.

wararka ayaa xaqiijiyay in Dawlada Puntland ay 4.5 qaadatay, islamarkaasina ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake uu u saxiixi doono dhammaan shuruudihii ku xirnaa diidmada 4.5, iyadoo hadda lagu mashquulsan yahay qaban qaabada munaasibadda heshiiskaas lagu soo bandhigayo.

Marka laga reebo in Caasimadda Soomaaliya Muqdisho laga wareejiyo maahane qodobadii kale ee Puntland ku xirtay inay 4.5 xilligaan qaadato, ayuu ra’iisul wasaaruhu saxiixi doonaa.

Waxyaabaha aan sida horudhaca ah u ogaanay ee Puntland 4.5 ku aqbashay waxaa ka mid ah:-

1:- In Puntland ay si toos ah u gali karto heshiisyo caalami ah oo shirkadaha caalamka lala galayo sida kuwa khayraadka ka shaqeeya.

2:- In Puntland ay toos u helayso dhaqaalaha beesha caalamku ku bixiyo Soomaaliya qaybteeda, halka horay Dowladda Federaalka ay u soo mari jirtay.

3.In Puntland loo fuliyo heshiisyadii horay loola galay ee ka socon waayey dhinaca Dowladda federaalka ah.

Waxaa jira Qodobo kale oo muhiim ah oo aan weli soo shaacbixin, kuwaas oo safka hore uga jira heshiiskaan cusub ee Puntland ay nidaamka 4.5 ku aqbashay.

Beesha caalamka ayaa heshiiskaan Garoowe uga qaybgali doonta oo goobjoog ka ahaan doonta, waxaana hadda lagu jiraa qaban qabaada munaasibadda heshiiskaan lagu soo bandhigayo.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain