Deg-deg: Ruushka, iyo Soomaaliya oo heshiisyo cusub galaya iyo Tirkiga iyo Galbeedka oo...

Deg-deg: Ruushka, iyo Soomaaliya oo heshiisyo cusub galaya iyo Tirkiga iyo Galbeedka oo...
Waxa dalka Ruushka ku sugan Ra’isal wasaaraha Dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo waydiistay kaalmo ciidan dalkaas.

Ruushku waxa uu sheegay in uu diyaar ula yahay kaalmo militari dalka Soomaaliya.

Soomaali badan ayaa soo dhaweysay durba, iyada oo arinkan ay sare u qaaday samcada Dowlada Soomaaliya oo loo fasirtay in ay carcar horleh la soo baxday.

Haseyeeshee, waxa aan go’aankan soo dhaweyndoonin Reergalbeedka iyo Dalka Turkey oo ayna is ku fiicneyn Ruushka.

Dhanka kale, Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Ruushka ayaa wada hadal kula qaatay Madaxa Midowga Afrika caasimada dalkiisa ee Moosko.

Sergey Lavrov iyo Nkosazana Dlamini Zuma ayaa Arbacadii ka wada arinsaday xaalada dalalka Afrika goobaha ay ka shidan tahay, si ay Raashiya u caawiso qaarada Afrika.

Wasiirada Arimaha Dibada ee Ruushka ayaa yidhi intii wadahalka lagu jiray, waxa aan is dhaafsaneynaa aragtiyaha arimo badan oo aan ka wada shaqeynayn doono, sida qorshaha Ruushka iyo Midowga Afrika iyo sidoo kale arimaha caalamka iyo kuwa gobalka ee aan si mid ah u daneyneyno.”

“Lavrov iyo Zuma, oo booqasho shaqo ku joogta dalka Ruushka ayaa si gaar ah uga la hadlaysa arimaha dalalka Maali, Koongo, Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan. 

Waxa wadahadalka diirada lagu saaridoonaa arimaha arga’gixisada caalamiga iyo danbiyada xuduudaha isaga gudba,” ayay wasaarada Arimaha Ruushku oo carrabka ku adkeyneysa tiri.

Si kasta ba ha ahaatee, dalalka Bariga ayaa tartan dhanka awooda iyo dhaqaalaha kula jira dalalka Reergalbeedka ah, taas oo horseedi doonta dagaal qabow oo u dhexayndoona quwadaha Dunida ee waaweyn.

SHBAKADA BAARGAAL.NET
ISha wararaka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain