Geeri Naxdin Leh Oo Ku Dhacday Dhalinyaro Soomaali u badan Oo Ka Tahriibtay Masar Kuna Sii Jeediyay Talyaaniga

Geeri Naxdin Leh Oo Ku Dhacday Dhalinyaro Soomaali u badan Oo Ka Tahriibtay Masar Kuna Sii Jeediyay Talyaaniga
Wararka laga helaayo magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegaya in dhalinyaro badan oo u badan soomaali ay ku geeriyoodeen bada u dhaxaysa wadamada Masar iyo Talyaaniga.

Sida ay sheegayaan dadka ku sugan magaalada Qaahira oo lala xiriiray  ayaa sheegay in dadka doonta saarnaa  ilaa hada aan la xaqiijin karin tirada ay ahaayeen, balse waxa la sheegay in la badbaadiyey tiro dad ah oo ku dhaw 41 qof, kuwaas oo uu badbaadiyey mid ka mid ah maraakiibtii ka gudbayey bada u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga, waxaana la sheegayaa inaan ilaa hada la helin wax mayd ah balse ay maydku wali ku jiraan  bada, balse qaar ka mid ah sawirada dadkii doontaasi saarnaa ayaa lagu baahiyey baraha bulshadu ku kulanto kuwaas oo eheladooda loo marinayo dhambaalo tacsi ah.

Dadkan ku geeriyooday shilkan ka dhacay bada u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga oo u badnaa dad dhalinyaro ah ayey wararku sheegayaan inay intooda ugu badani ka soo jeedaan dalka soomaaliya

Dawlada Fedraalka soomaaliya ayaan wali qorshe cad u samayn dhalinyarada maalin kasta badaha ku dhimanaaya ayagoo tahriibaya halka masuuliyiintii u talin lahaa dhalinyaradaasi ku mashquulsan yihiin isqabqabsi iyo loolan siyaasadeed 

Maamulka iyo shaqaalha Shabakada Baargaal.net waxay tacsi tiiraanyo leh u diraayaan dhamaan ummada soomaaliyeed shilkaas naxdinta badan , si gaar ah elehedii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dhaliyaradaasi anagoo ilaahay uga baryeena inuu samir iyo imaan naga wada siiyo aamiin 

BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain