Raysalwasaaraha dalka Iceland oo xilka iska casiley, kadib fadeexadda Panama Papers

Raysalwasaaraha dalka Iceland oo xilka iska casiley, kadib fadeexadda Panama Papers


Ra’iisal wasaaraha Iceland, Sigmundur Gunnlaugsson, ayaa is casilay kadib markii ay soo baxday waraaqo sir ah oo sheegay dad lacag ku qarsaday dalka Panama iyagoo ka leexday habka canshuurta dalalkooda.

Xogta laga helay shirkada sharciga ee Mossack Fonseca, ayaa muujinaya in ra’iisalwasaaraha uu la lahaa shirkad xaaskiisa.

Waxaa lagu eedeeyay inuu qarsaday malaayiin dollar oo reerkiisa ay leeyihiin. Ra’iisal wasaaraha ayaa beeniyay eedeymaha.

Wasiirka beeraha ayaa noqon doona ra’iisal wasaaraha cusub.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain