Sawirro: Todobo qof oo ay ku jirto hooyo Soomaaliyeed iyo seddax caruur ay dhashay oo ku dhintay xeebaha Masar

Sawirro: Todobo qof oo ay ku jirto hooyo Soomaaliyeed iyo seddax caruur ay dhashay oo ku dhintay xeebaha Masar
Meydka todobo qof oo Soomaali ah oo ay ku jiraan seddax caruur ah iyo hooyadood ayaa laga helay xeebta Karfa Sheikh ee dalka Masar, kuwaasi oo u tahriibayay dalka Talyaaniga.

Hooyadaan iyo seddaxda caruurta ay dhashay ayaa lagu magacaabaa Cadar Xasan Cadaawe, halka caruurtana ay kala yihiin, Abuukar C/kariin oo seddax bil kaliya jira, Anfac Cabdikariin oo sanad iyo bar jir iyo Abuukar oo todobo sano jir ah.


Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada amniga qabteen 105 qof oo 74 ka mid ahaayeen Soomaali, kuwaasi doonayay inay si sharci daro ugu gudbaan xeebaha dalka Talyaaniga waxaana howlgalkaasi lagu qabqabtay Soomaalida ku dhaawacmay Shan qof oo Soomaali ah.


Sidoo kale, dad Soomaaliyeed oo tiradooda lagu sheegay 200 qof in ciidamada amniga gacnta ku dhigeen, kuwaasi oo lagu haayay beer ku taal Baltiin, halkaasi oo kooxaha dadka tahriibiya doon ka saari rabeen.


Xeebaha dalka Masar ayaa mudooyinkii u danbeeyay tahriibayaasha Soomaalida u badan ay ku qulqulayeen si ay ugu sii gudbaan xeebaha dalka Talyaaniga.


Developed by Jago Desain