WAR DEG DEG AH: Cutubyo kamid ah ciidamadda Difaaca Puntland oo gaaray Garacad & Isgaarsiintii Hobyo iyo Xarardheere oo hawada ka maqan

WAR DEG DEG AH: Cutubyo kamid ah ciidamadda Difaaca Puntland oo gaaray Garacad & Isgaarsiintii Hobyo iyo Xarardheere oo hawada ka maqan
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas ahna Taliyah guud ee ciidamada Difaaca Puntland ayaa la xaqiijiyey in uu xalay amar ku bixiyey in guutooyin kamid ah ciidamada dawladda Puntland loo daabulo deegaanada Xeebaha dhaca ee gobalka Mudug.

Todobaad ka hor Madaxweyne Gaas ayaa magacaabay guddi gaar ah oo la socon doono Xogaha & dhaqdhaqaaqyada kooxda Al- Shabaab ay ka wadaan Xeebaha Koonfurta Mudug & gobalka Galguduud, waxaana la amray in ay ciidamaddu howlgalo joogta ah xili kasta sameeyaan.

Cutubyo kamid ah ciidamaddan ayaa gaaray goor dhaw deegaanka Garacad, iyagoo dhinaca Koonfurtana ka sameystay saldhigyo, xili ay sidaas oo kale cutub katirsan ciidamadda Baddu ay hadda ku sii jeedaan magaalada Garacad.

Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee ciidamada Badda Puntland ayaa heegan culus ku jiray sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay, waxa ayna kordhiyeen Roondada dhinaca Hawada ay kala socdaan xeebaha gobalka Mudug.

Goobjoogayaal kusugan Garacad ayaa u sheegay Puntlandtimes.com in diyaaradahan oo ah nooca ciidamada Badda Puntland ay hawada ku jiraan, isla markaasna ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada xeebaha ka jira.

Taliska ciidamada PMPF oo aan la xariirnay waxay sheegeen in ay ciidamaddan halkaas u tageen xaqiijinta dhanka amaanka iyo la dagaalanka Argagixisada, hadii ay markale isku dayaan in ay soo wajahaan deegaanada Puntland.

14 March 2016 Al- Shabaab gaaraya 1000 Dagaalyahan ayaa soo gaaray Xeebaha Garacad & Garmaal oo ka kala tirsan Nugaal & Mudug, waxa ayna dawladdu dagaal adag oo ay ku qaaday ugu dambeyntii Shabaab looga guuleystay 21 March, taas oo muujisay awooda kooxdaas.

Ciidamadda Badda ee Gaashaanbuurta NATO ayaa sidaas oo kale kordhiyey joogitaankooda Xeebaha gobalka Mudug, waxa ayna labo kamid ah Maraakiibtoodu joogtaa meel wax yar ujirta Biyaha Soomaaliya, iyagoo dusha kala socda dhaqdhaqaaqyada Shabaab ka wadaan dhinaca Deegaanka Hobyo.

Warar soo gaaray Puntlandtimes oo uu ka helay dhinaca Deegaanka WISIL ee Koonfurta Mudug ayaa sheegay in maanta hawada laga saaray Isgaarsiintii Hobyo & Xarardheere, oo ay hadda maamulayaan kooxda Al- Shabaab, lamana yaqaano ujeedada ay hawada uga saareen.

Labaddii Asbuuc ee ugu dambeysay waxay Al- Shabaab maleeshiyo badan iskugu keeneen Xarardheere & deegaan u dhaw, iyadoo aan la aqoon halka ay ku jiheysan yihiin, balse Hanjabaaddii u dambeysay kooxdaas ayaa ahayd in ay weerarayaan Puntland, inkastoo 21 March 2016 dawladda Puntland si rasmi ah markii ugu horeysay Taariikhda dhabarka uga jabisey Maleeshiyadii ugu badneyd oo ay Shabaab dagaal u dirto.
Developed by Jago Desain