WAR DEG DEG AH : DOON KA BAXDAY DALKA MASAR OO 400 QOF OO SOOMALI U BADAN OO KU DEGTAY XEEBAHA LIIBIYA IYO TALYAANIGA DHEXDOODA

WAR DEG DEG AH DOONI KA BAXDAY DALKA MASAR OO 400 QOF OO SOOMALI U BADAN OO KU DEGTAY XEEBAHA LIIBIYA IYO TALYAANIGA DHEXDOODA
Waxaa xalay mar qur ah is qabsaday maqaaxiyaha Soomalida fadhiistaan ee magaalada Qaahira ee dalka Masar in ay dagtay doon weyn oo ay saarnaayeen dad ka badan 400 qof kuwaa oo sida la sheegay ay ka bad baadeen ilaa 40 qof

Qaar ka mid ahaa dadkii ka bad badbabday Doontaa quustay oo garaayo 40 qof ayaa waxaa Soomali ka ah 7 dhalinyaro ah kuwaa oo mar taleefan lagula xariiray ay sheegeen in ay arkayeen Doontii ay saarnayeen 400 oo qof oo quustay oo laga soo bad baadiyey 40 oo aan ka nahay ayuu yiri 7 Soomali ah isagoona sheegay in uu arkaayey doontaas oo quuseyso ayna saarnayeen in ka badan 180 qof oo Soomali kuwa ayuu ku sheegay in ay arkayeen in ay quusayeen mana sheegi karno ayuu yiri in ay wax ka bad badbaadeen ama doontaa la bad bashay dadkii saarnaa

Shaqsigaan taleefanka lagula xariiray ayaa warkiisa waxaa noo xaqiijiyey dhowr qof oo kala nooc ah oo la xariiray waxeyna noo sheegeen dhowrka qof hadal isku mid ah in doontaas quustay ay saarnayeen dad ka badan 360 qof oo Soomali ka tahay 180 qof waxaana deegaanka Soomalida ku badan tahay laga sheegaayey magacayada dadkii saarnaa ee doonta quustay

Sida shaqsigaan Soomaliga uu sheegay in 40 kooda qof xiligaan loo wado wadanka Gariirga halkaana ay dhawan garayaan waxaana ka muuqday shaqsigaas murugo xoogan iyo wal wal aan la soo koobi karin

Warkaan dooni quustay ayaan caawa oo dhan ku mashquulsaneen si aan u ogaano xaqiida waxsse muuqda warka in uu yahay mid marba marka ka danbeysa isa soo taraayo

Shilkaan ayaa haduu rumooba noqon doono kii ugu xumaa ay ku dhaco doon ka baxday dalka Masar una socotay dalka Talyaaniga waxeyna dhacdadaan murugadaha leh ku soo aadeysaa xili dhwor asbuuc ka hor xeebaha dalka Masar la qalibmay laash yar ay ku dhinteen 15 qof oo 8 ay Soomali tahay

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain