WAR DEG DEG AH: Madaxwaynaha Puntland oo Dalka Boqortooyada Sucuudiga u ambabaxay

Madaxweynaha Dowladda Puntland c/wali maxamed cali Gaas ayaa u ambabaxay Dalka boqortooyada Sucuudiga carabta halkaas oo ka helay casuumaad madaxda dalkaas.

Waxaa madaxweynaha safarkiisa Sucuudiga ku weheliya Wasiirka Dekadaha gaadiidka badda iyo la dagaallanka Burcad Badeedda Puntland C/laahi jaamac Saalax waxayna booqashadaan ay qaadan doontaa muddo 3 maalmood ah.

Ujeedka safarka Madaxweyne Cabdiwali Gaas ee dalka Sucuudiga ayaa la xiriirta mashaariic xagga horumarinta oo ay dowladda Sucuudigu ka fulin doonto Puntland, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo qalabaynta ciidamada Puntland si looga hortago ururada argagixisada iyo weliba shiicada hubeysan ee fadhigoodu yahay dalka Yemen, oo xuduud la wadaaga Puntland.

Ujeedoonyinka kale ee safarka Madaxweynaha ayaa ah in Sucuudiga suuqyadiisa u furo badeecadaha Puntland dibada u dhoofiso, sida khayraadka badda, xoolaha nool, fooxa, beeyada, hargaha, iwm.

Mashaariicda ugu waaweyn ayaa ah in dowladda Sucuudiga ay Puntland ka caawiso dhismaha dekado waaweyn

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
Developed by Jago Desain