XOG: Ololaha soo xulista xildhibaanada Fedraalka oo ka bilawday Puntland & Xildhibaano ku qul qulaya caasimada Garowe

XOG: Ololaha soo xulista xildhibaanada Fedraalka oo ka bilawday Puntland & Xildhibaano ku qul qulaya caasimada Garowe
Wararka ka soo baxaya magaalada Garowe ee caasimada Dawlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in durbaba uu bilawday ololaha doorashada iyo soo xulista xildhibaanada barlamaanka fedraalka u matalaaya Puntland waxaana kulamo gaar gaar ah ay ka socdaan magaalooyinka Bosaaso iyo Garowe.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in magaalada Garowe ay ku sii qul-qulayaan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo raba markale in ay kusoo laabtaan xilka.

Shirarka socda ayaa waxaa qeyb ka ah Siyaasiyiin iyaguna doonaaya inay kamid noqdaan Xildhibaanada la filaayo inay isla soo xuli doonaan mas'uuliyiinta Dawlad goboleedka puntland iyo Odayaasha dhaqanka ee soo jireenka ah.

dawlada Puntland ayaa u soo jeedisay odayaal dhaqameedka beelaha iyo ergada soo xulaysa xildhibaanada inay soo xulaan xildhibaano aqoon iyo waayo aragnimana leh matali karana mawqifka shacabka iyo Dawlada puntland.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain