Posts

Boqorka Beelaha Daarood oo maanta Iclaamiyay Shir Dhaqameedka Isimadda Soomaalida



‎‏ Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa maanta kulan saxaafadeed uu isugu yeeray warbaahinta waxa uu ku iclaamiyay Shirka Oday dhaqameedka Soomaaliyeed oo ka dhici doona magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar.

Boqorku Waxa uu sheegay in uu ku marti qaaday deegaanka Qardho dhamaan isimada Soomaaliyeed in ay ka soo qeyb galaan Shir dhaqameedkan kaas oo uu sheegay in uu yahay mid umadda Soomaaliyeed isu keenaya laguna xali nayo khilaafaadka dhexyaala.

Maalinnimo Sabti ah bishan 21keeda ayaa lagu wadaa in uu shirkaas ka furmo magaalada Qardho, iyadoo dhamaan sida uu casuumay Boqorka uga soo qeyb gali doonaan Isimada Soomaaliyeed. Waxa uu ka dhawaajiyay Boqorka xaaladdaha lagu jiro ee dalka uu haatan marayo, kuwaas oo ah kuwo murugsan islamarkaana loo baahan yahay in ay isimada soomaaliyeed isaga yimaadaan meelna wax isla dhigaan.

Xiligii Caleema saarka Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxa uu ka mid ahaa qabashada Shirkan Ballan qaadyadii uu boqorku ka balan qaaday umadda Soomaaliyeed horteeda.
Developed by Jago Desain