Posts

Ciidanka Liibiya Oo Qabtay Tahriibayaal Ku Dhow Kun Qof


Ciidamada ammaanka dalka Liibiya ayaa la sheegay inay qabteen in ka badan 800 tahriibayaal ah kuwaa oo saarnaa 9 doonyo.

Sarkaal u hadlay ciidankaan ayaa sheegay in howlgallo ay sameeyeen ay ku suurta gashay inay dadkaan gacanta ku dhigaan xilli ay tahriib ahaayeen.

Waxa uu sheegay in dadkaan ay ku jireen 79 haween oo 11 ka mid ah Uur leeyihiin kuwaa oo hadda xaaladooda lala tacaalayo.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa sheegay in dhawaan ay soo bandhigi doonaan magacyada iyo dalalka ay u dhasheen dadka ay hayeen.

Waxaa muddooyinkaan dambe badanayey tahriibayaasha naftooda ku haliigaya badda u dhaxeya Liibiya iyo Talyaaniga, iyadoo dhanka kale ay jiraan tahriibayaal kale oo lagu hayo xabsiyada Liibiya.
Developed by Jago Desain