Dhageyso- Dad cudurka Shuban biyoodka iyo biyo la’aan ugu geeriyooday aaga Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu

Maamulka Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu ayaa shaaca ka qaaday in ay dad farabadan u liitaan qaarna u geeriyoodeen cudurro iyo biyo la'aan ka jira gobolkaas.

Gudoomiyaha Degmada Caluula ee gobolka Gardafuu Shire Cabdi Ismaaciil oo ka hadlayay kulan saxaafadeed uu u qabtay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in cudurka shuban biyoodka ay 2 qof ugu geeriyoodeen Deegaanka Xaabo oo hoos tagta Caluula.

Waxa uu intaas ku daray in cudurkaasi uu ka dhashay biyo la'aan iyo dadka dhibaateysan qaarkood oo cabay biyo aan nadiif aheyn kuwaas oo lagu soo shubay caagado.

Waxa uu ugu baaqay qeybaha kala duwan ee laamaha dowladda iyo Hay'adaha samafalka in ay deegaankaas la soo gaaraan gar gaar deg deg ah oo isugu jira biyo dhaamin iyo agab caafimaad.

Dhowaan ayaa la sheegay in uu jabay ceelkii riiga ahaa ee ay biyaha ka cabi jireen bulshada ku dhaqan deegaanka xaabo oo hoos timaada degmada caluula ee gobolka Gardafuu.‎

Dhageyso Shirka jaraaid ee gudoomiyaha degmada Caluula.
Developed by Jago Desain