Posts

Deg Deg Gudoomiyihii Xidigaha Geeska Abwaan Laabsalax oo Xilkii laga Qaaday Iyo Gudoomiye Cusub oo la Doortay

Shir waynihi Kooxda xiddigaha geeska ayaa lagu doortay maamul cusub Kooxada xiddigaha geeska oo ah koox faneed ka dhisan magaaladda Hargaysa ayaa sida uu Sharci hoosaadka u yaalaa uu dhigayo labadii sanaba doorata maamul mudo laba sanadood ah hogaamiya kooxda, sidaa daraadeed shir ka qabsoomay xarunta kooxda xidigaha geeska ee magaaladda hargaysa islamarkaana ay kasoo qeyb galeen 22 xubnood oo ka mida xubnaha koox da xiddigaha geeska waxa halkaasi sida sharciga kooxdu dhigayo lagu doortay hogaanka kooxda xiddigaha geeska hogaamin doona mudada labada sano ee soo socota

Waxaana halkaasi gudoomiyaha kooxda xiddigaha geeska ee labada sano ee soo socda si rasmiya loogu doortay Axmed wali ibraahim Maxamuud{ furine} , oo ay cod gacan taag ah ku dorteen 21 xubnood oo shirka kasoo qeyb galay, sidaana uu xilkaasi ugu ansaxay isagoo hore u ahaa gudoomiye ku xigeenka kooxda xidagaha geeska.

Halka sidoo kale gudoomiye ku xigeen loogu doortay Maxamed Axmed Bakaal {cirro} oo 22 xubnood cod gacan taag ahi ugu doorteen xilkaasi isagoo hore u ahaa xog hayaha kooxda xidigaha geeska, waxa sidoo kale xog hayaha kooxda xidagaha geeska loogu doortay Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi {oday} taas oo 21 xubnood ay xilkaasi ugu doorteen isagoo hore u ahaa madaxa abuubulka kooxda xidagaha geeska.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain