Posts

Diyaarad Laga Leeyahay Dalka Masar oo ku dul bur burtay Badda Mediterranean-ka



Diyaarad rakaab ah oo ay iska laheyd Shirkadda duulimaadyada ee Dalka Masar, islamarkaana ay la socdeen inkabadan Lixdan ruux oo isugu jiray rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda ayaa loo maleynaa ina ku dhacday badda Mediterranean-ka ee u dhaxeysa Qaaradaha Afrika iyo Yurub.

Diyaaraddan oo habeenkii xalay kasoo duushay Garoon kuyaalla magaalada Paris ee Dalka Faransiiska ayaa waxay dooneysay inay soo caga dhigato Garoonka diyaaradaha ee magaalada Qaahira, hase yeeshee waxaa raadaarka lagala socdo diyaaradaha laga waayay tobon daqiiqo kadib markii ay soo gashay hawada dalka Masar.

Saraakiisha laamaha Socdaalka ee Dalka Masar ayaa sheegay in diyaaraddan oo nooceedu ahaa Airbus 320 inay la socdeen 56 ruux oo rakaab ah iyo tobon shaqaale ah, iyadoona dadka rakaabka ah ay ku jiraan Soddon ruux oo Masaari iyo 15 Faransiis ah, halka sidoo kale ay saarnaayeen Muwaadiniin kasoo kala jeeda Wadamada Ingiriiska, Biljam, Ciraaq, Kuweyt, Sacuudiga, Suudaan, Chad, canada iyo Wadamo kale.

Maraakiib ay leeyihiin Ciidamada Meliteriga ee Dowladda Masar ayaa loo diray halka loo maleynayo inay diyaaraddu ku dhacday, waxaana soconaya baadi goob ballaaran oo ay ka qeyb qaadanayaan Boqollaal ka tirsan Ciidamada Badda oo ay sidoo kale taageerayaan diyaaradaha Helicopters-ka ah ee qumaatiga u kaca.

Dhanka kalena Hoggaamiyaha Dalka Faransiiska Franco Hollande ayaa sheegay in Dowladdiisa ay diyaar u tahay in Xukuumadda Masar ay ka gacan siiso howl-galka gurmadka ah ee lagu baadi goobayo meydadka dadkii ku dhintay Shilkaasi, iyadoona Faransiisku uu sheegay in Dalka Masar ay u diri doonaan kooxo Khubaro ah oo ka qeyb qaata howlaha gurmadka ee soconaya
Developed by Jago Desain