Real Madrid oo Markii 11 aad Ku Guulaysatay Horyaalka Yurub ee UEFA Champions League (sawiro)

Real Madrid oo Markii 11 aad Ku Guulaysatay Horyaalka Yurub ‘Champions League’


Kooxda Real Madrid ayaa hanatay horyaalka qaarada Yurub ee Champions Laegue kadib markii ay rigoorayaal kaga adkaatay kooxda ay isku magaalada Yihiin ee Atletico Madrid oo ay dhexmartay ciyaar adag oo waqti dheeraad ah lagu daray oo ku dhamaatay 1-1 ciyaartaas oo caawa ka dhacday garoonka magaalada milan ee wadanka talyaaniga.

Real Madrid ayaa ciyaarta intii badnayd ku hogaaminaysay Gool uu qaybtii hore ee ciyaarta shabaqa dhigay laacibka difaaca ah ee Sergio Ramos laakin markay ciyaartu maraysay daqiiqada 79 ayay u suurto gashay Atletico Madrid inay la timaado goolkii barbar dhaca, kaas oo uu u dhaliyey ciyaaryahanka Yannick Ferreira-Carrasco.

Real Madrid ayaa ugu danbayntii ku guulaysatay rigoorayaashii oo ku dhamaaday 5-3 oo ay u kala dhaliyeen , Bale , Marcelo,Lucas Vazquez,Sergio Ramos, iyo rigoorihii ugu danbeyay ee ugu qaalisanaa oo uu u dhaliyay laacibka Cristiano Ronaldo, halka uu ka cunay kooxda Atletico Madrid hal rigoore laacibka Juan fran

Tababaraha mucjisada noqday ee reer Argentina Diego Simeone ayaa ku sigtay inuu noqdo tababarihii saddexaad ee aan u dhallan qaarada Yurub ee Hantiya Horyaalka Yurub , hadii uu badin lahaana uu raaci lahaa tababarayaasha Luis Carniglia (Real 1958 and 1959) iyo Helenio Herrera (Inter Milan 1964 and 1965).

Horyaalkan caawa ciyaartiisii u dambeysay la ciyaaray, ayaa ahaa kii 61 aad ee tan iyo markii la bilaabay horyaalka naadiyada Yurub, xili ciyaareedkii 1955-56.

Real Madrid ayaa ku guulaysatay shanti horyaal ee ugu horeeyayba, waxaanay haysataa rikoodhka naadiga ugu guulaha badan, iyadoo hanatay marka lagu daro koobkan 11 horyaal oo champions League ah.‎















Developed by Jago Desain