Posts

War Culus: Shirar adag oo Madasha Qaran u socda & wararkii ugu danbeeyay


Kulamo adag oo aan caadi ahayn ayaa magaalada Muqdisho uga socda madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulada dalka, kadib markii Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixin waayay heshiiska Qaabka Doorashada ee ay gaareen.

Shirarkan oo si joogto ah u socdo isla markaana qaatay saacado badan oo habeen iyo maalin aan loo kala kicin ayaa la sheegay in arrinta ugu weyn ee hortaala ay tahay waxa laga yeelayo Gobolka Banaadir oo aan xubno ku lahayn Aqalka Sare ee Baarlamaanka,

madaxda jubbaland iyo puntland ayaa ku adkaystay in aqalka Sare oo ku jiray heshiiskii Bishii April aan waxba laga badali karin hadii Gobolka banaadir Xaquuq loo raadinayana lagu noqdo 18 Gobol ee Soomaaliya, iyadoona laga guurayo habka Maamul Goboleedka oo awal ay soo jeediyeen Galmudug, Koonfur Galbeed & Madaxda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo ka mida madaxda kulamada u socdaan ayaa cadaadis lagu saaray inuu hakiyo kulanka Baarlamaanka ee maanta, isagoo lagu eedeeyay inuu qeyb ka yahay dhibaatada ka taagan Baarlamaanka.

wixii soo kordha isha ku hay isha wararka horumarka calbari baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain