Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan Oo kusoo wajahan Magaalada Muqdisho

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan Oo kusoo wajahan Magaalada Muqdisho


warar ka soo baxaaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaayaa in Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu Jimcaha soo socda taarikhduna ay ku beegantahay 3’da bisha June ku imaan doono Safar Magaalada Muqdisho ee Caasimada Wadanka Soomaaliya.


Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa soo dhaweenta iyo sasaanta safarka Madaxwaynaha Turkiga ,ayadoo bari la filayo inay so gaaraan wafdii hordhac u ah Safarka Madaxwyane Erdogan.

Recep Tayyip Erdogan ayaa la sheegayaa in uu kulamo la qaadan doono Madaxda ugu sareesa wadanka soomaaliya asagaoo kala hadli doona xoojinta xiriirka ka dhexeeya dawlada Turkiga iyo dawladda Federaalka ah Soomaliya.

Dhanka kale Madaxwyanaha Turkiga ayaa la filayaa inuu xariga kajari doono safaarad cusub oo ay dawladda Turkigu ay ka dhisatay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dawladda Turkiga oo Saxiib dhow la ah dawlada Soomaaliya ayaa lagu xasuustaa kaalmo bini aadamnimo oo ay ufidisay Shacabka Soomaaliyeed Sanadii 2011-ka waqtigaas goboladda Koonfureed ee Soomaaliya ay ka jirtay abaaro xoogan oo galaaftay Nolosha qoysas badan ee Soomaaliyeed.

Dhanka kale dawladda Turkiga ayaa Mashaariicyo kala gadisan ka fulisay gudaha Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Waa markii 3’aad ee uu madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu booqosho ku yimaado Gudaha Soomaaliya gaar ahaana Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho asagoo xariga kajaray Mashaariicyo ay kamid ahaayeen Tereminaalka cusub ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport iyo dhismaha xarunta Culuumta Cilmi baarista Soomaaliya oo laga dhisay xaruntii hore ee Isbitaalka Digfeer.


Shabakada Baargaal.net
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain