Posts

Maxaa keenay shaqaaqadii uu ku dhaawacmay Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari C/xakiin Xuseen Yuusuf oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka Warbixiyay Shaqaaqadii uu ku dhaawacmay Wasiirka Amniga Puntland taas oo Barqanimadii maanta ka dhaxday Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacxsiga Puntland.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari C/xakiin Xuseen ayaa sheegay in 5 qof ay ku dhaawacmeen shaqaaqada, waxaana intaas uu ku daray in Wasiirka Amniga Puntland, labo Sarkaal iyo labo askari ay ku dhaawacmeen shaqaaqada.

Dhaawaca wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud ka dib markii rasaastu ka haleeshay bowdada iyo lugta, sidoo kale askartii ku dhaawacantay ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka magalada.

Arrintan ayaa timi sida wararku sheegayaan ka dib markii gacanta iskula tageen taliyaha ciidanka Booliska Gen. Afgaduud iyo Taliyaha ciidanka Birmadka Afdalow, waxaana ka dib bilowdey rasaasta ka kala timi ciidamadii labadaasi sarkaal la socdey walow warar kala duwani kasoo baxayaan bilowga rasaasta.
Xarunta Ciidanka Birbadka ayaa la sheegay inuu ka socdey shir amaanka looga hadlayey.

Dhacdadaan maanta ka dhacay Boosaaso ayaa kusoo beegmaysa xili uu Boosaaso ku sugan yahahay Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo magaalada boosaaso u yimi.

BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain