Posts

Puntland oo ka fiirsaneysa xildhibaannada uga mid noqonaya baarlamaanka cusub ee Soomaaliya


Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqdey inay isku diyaarineyso xulista xildhibaannada cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka la soo dhisayo dhawaan ee Soomaaliya,sida lugu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay shir golaha wasiirrada ay Khamiistii shalay ku qaaten Garoowe.

Puntland waxaa ay caddeysay inay ka fiirsan doonto xildhibaannada matalaya ee baarlamaanka dowladda dhexe ka mid noqonaya,si looga fagaado xubnahaas inay noqdaan kuwo an soo bandhigin shaqada loo igmaday oo la sheegay inay horay u dhacday.

“Golaha xukuumadda Puntland,waxaa ay caddeynayaan marnaba inaysan dhici-doonin xildhibaan magaca Puntland wata,kaddibna an wax shaqo ah u qaban ummadda sidii horay u dhacday,”ayaa lugu yiri warka ka soo baxay wasiirrada Puntland.

Sidoo kale,Puntland waxaa ay ka digtay dib u dhac ku yimaada qorshaha lugu soo dhisayo baarlamaanka iyo doorashada madaxweynaha,haddii ay taas dhacdo waxaa ay Puntland sheegtay dalka inuu galayo qalalaase iyo bur bur cusub.

Marka la gaaro 20 bisha August ee sanadkan ayaa la filaya in la soo dhammestiro baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo marka dooranaya madaxweynaha cusub ee dalka.
Developed by Jago Desain