Sawirka maanta : adeer gurigaygu muxuu sabarlooga yeeshaa halkan ma dawlad baa ka jirta

Sawirka maanta : adeer gurigaygu muxuu sabarlooga yeeshaa halkan ma dawlad baa ka jirta
Sabarloogada guriga ama cadaynta xaqa lahaanshaha ama sida dadka qaar u yaqaaniin Mulkiyada  waa arin muhiim u ah qofkii hanti ku yeelanaaya meel  ama iibsanaaya guri , bogcad iyo wixii lamid ah  waxayna sabarloogadaasi ama mulkiyadaasi xaq ama sharci u  siinayaysaa qofkaas  inuu isticmaalo hantidaas ama dib u sii iibiyo ama markii khilaaf yimaado uu ku cadeeyo lahaanshaha hantidiisa si dhib yar.

sidoo kale mulkiiluhu wuxuu rahman karaa hantidiisa oo hanti kale ku qaadan karaa hadii uu haysto sabarloogada oo ah cadaynta lahaanshaha iyo inuu xaq u leeyahay inuu hantidaas maamuli karo .

laakiin deegaankeena ma jiro guri ama dhisme sabarloogo leh taasi oo keeni karta  inuu bato is qabqabsiga , nin kastaana yiraahdo anigaa halkaan leh oo hebel iyo hebel baa ii markhaantiya.

Allow sahal umuuraha


Developed by Jago Desain