Posts

Shil Gaari oo Ka Dhacay Duleedka magaalada Boosaaso

Labo askari oo ka tirsan ciidamada dawlada Puntland ayaa geeriyootay, halka sagaal kalena ay ku dhaawacmeen, markii gaari ay la socdeen uu shil ku galay duleedka magaalada Boosaaso.

Shilka ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Meer-meerka oo ah meel aad u halis ah, inta badan shilalka ka dhacaan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ahaayeen ilaalada Wasiirka Amniga Puntland oo ku sii jeeday Boosaaso.

Dhaawacyada askarta ayaa la geeyay isbitaal ku yaala magaalada Boosaaso, waxaana qaar ka mid ah askarta dhaawacyadooda uu yahay mid culus.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain