Posts

Taliyaha Ciidamadda Birmadka Puntland‏ ‏‎Korneel Afdalow‎ Oo Xabsi Guri Ku Jira

Taliyaha Ciidamadda Birmadka Puntland, Korneel Cismaan Xasan Cuuke‏ ‏Afdalow ayaa ku sugan Madaxtooyadda Magaaladda Bosaso,sida ay inoo‏ ‏xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Madaxweyne C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa la sheegay inuu ku amray xabsi guri inta uu ka soo laabanayo Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu uga‏ ‏qayb-galay Caleema saarka Ismaaciil Cumar Geelle.

Khilaaf soo kala dhex galay Taliyaha Ciidamadda Booliiska iyo Birmadka ayaa gaartay heer ay is-raasaaseen ilaaladoodu,waxaana ka dhashay khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka is-rasaasayntaas ku dhaawacmay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo haatan lagu dabiibayo Magaaladda Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti
Developed by Jago Desain