WAR DEG DEG AH: Al- Shabaab oo weerar culus ku qaaday Xerada XALANE ee Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday Xerada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin magaaladaas ee XALANE, iyadoo ilaa hadda aan waxba badan oo faahfaahin aan laga heynin.

Goobjoogayaal kusugan gudaha Xerada Xalane ayaa u sheegay warbaahinta in ay maqlayaan rasaas iyo qaraxyo waa weyn, balse aysan ilaa hadda waxba sax ah ogaan karin.

Waabarigii hore ee saaka ayay ahayd markii lasoo weeraray Xaruntan, sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Muqdisho, waxaana adag in la ogaado xaqiiqada weerarkan.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegay in ay madaafiic lasoo tuuray kusoo dhaceen gudaha xaruntan, isla markaasna ay ka gabadeen oo ay galeen meelo gabaad ah oo loogu talo-galey.

Xerada Xalane waxaa degan inta badan Saraakiisha ciidamada Reer Galbeedka, Safaaradaha iyo Taliska ugu weyn ee ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, waxaana horey marar badan loogu qaadey weeraro qorsheysan oo ay abaabuleen kooxda Al- Shabaab, laakiin suuragal noqon waayay.
Developed by Jago Desain