Posts

war Deg deg ah: Mid Ka Mid Ah Saraakiil ku Dhaawacantay Is-rasaaseyn Ka Dhacday Boosaaso Oo Geeriyooday

Mid ka mid ah Saraakiil Booliis ah Oo Shalay ku dhaawacantey israsaaseyn dhexmartey Ciidamada dawlada Puntland, ayaa u geeriyoodey dhaawicii soo gaaray, sida ay eheladiisa u sheegeen Warbaahinta.

Korneyl Cabdi Siciid Cadde oo ka mid ahaa saraakiishii ku dhaawacantey israsaaseyntii ka dhacdey xerada ciidamada Birmadka Puntland ee Boosaaso ayaa ku geeriyoodey Cisbitaalka ku yaalla Boosaaso oo lagaga daweynayey dhaawaca oo ka soo gaadhay Kalyaha.

Dhanka kale, Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab, Taliye ku xigeenka ciidanka Birmadka Korneyl Cali Axmed Cali iyo saddex ka mid ah ilaalada Wasiirka amniga ayaa wali lagu Daweynayaa goobo Caafimaad oo ku kala yaala magaalada Boosaaso.

Dawlada Puntland, ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin dhaawacyada soo gaaray Masuuliyiintan, taasi oo ka dambeysay Is-rasaaseyn dhex martay Ciidammada Birmadka ee Maamulka Puntland.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain