Posts

Degdeg:Xasan Sheekh oo xeer madaxwayne ku ansixiyay heshiiskii doorashooyinka


Warar hadda naga soo gaaraya magaalada Muqdisho aya sheegaya madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xeer madaxwayne inuu ku ansixiyay heshiiskii doorashooyinka ee horyaalay baarlamaanka soomaaliya.

“Dadka Soomaaliyeed dhamaan meel kasta ay joogaan, maanta waxaa u hor imid dadka oo aan rabaa inaan la socodsiiyo go’aan xasaasi ah, oo muhiim ah, laga yaabo inay dad badan i dhibsadaan ama ka xumaadaan, laakiin aan la eegnay danta Soomaaliya, dalkeena Soomaaliya wuxuu ka soo baxay duruufo adag oo dheer, maanta wuxuu ku sugan yahay duruufo kale, wuxuu u baahan yahay in mararka qaarkood la qaato go’aano adag”ayuu yiri Madaxweynaha oo shir jara’id saaka ku qabtay magaalada Muqdisho.

Madaxwayne Xasan Sheekh waxaa uu xusay hanaanka doorashooyinka inuu ansixiyay , waxaana warbaahinta u aqriyay xeerka madaxwaynaha afhayeenkiisa Daa’uud Aways.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala qaybsanaa heshiiskii doorashooyinka ee ay gaareen hogaamiyeyaasha , taasi oo keentay inay meel marin waayaan heshiiska oo khilaaf uu ka abuurmay , waxaana maalinimadii shalay si kedis ah gudoomiyaha baarlamaanka uu u xiray shirkii golaha baarlamaanku ay u fadhiyeen.

Midwoga Yurub iyo Maraykanka ayaa uga digay hay’adaha kale duwan ee dowladda faderaalka in waqti badan lagu sii lumiyo ansixinta heshiiska , Puntland iyo Jubaland oo goor sii horaysay warsaxaafadeed soo saaray ayaa ku dhaliilay baarlamaanka inay wax ka badal ku sameyeen heshiiskii hogaamiyeyaasha , taasi oo ay ku hanjabeen inay keeni karto tanaasulaadkoodii hore inay wax u dhimi doonto.
Developed by Jago Desain