Posts

Dhageyso:4 Qof oo ku dhimatay kaam ku yaala Boosaaso


Wararka inaga soo gaaraya kaamka Xamar Weyne oo ka mid ah kaamamka ku yaalla Duleedka magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in xaalad nolo xumo ah ay ka taagan tahay kaamkaasi.

Dhibaatooyinka kaamka ka taagan ayaa Waxaa kamid adeegyadii aasaasiga ahaa oo aan ka jirin kaamka sida Biyaha ,Caafimaadka, Waxbarashada.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in kaamka gudihiisa ay ku naf waayeen 4 qof oo ku sumoobay Biyo lagu badiyay kalooriinta, iyadoo ay qaarkalena ay ujiifaan cudoro kale.

Waxaana ay dadka ku nool kaamkaasi ay dowladda Soomaaliya iyo Hey’adaha Bani’aadanimada ka codsadeen in lala soo gaaro gar gaar deg deg ah.

Qaar ka mid dadka ku nool kaamka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay soo dhowdahay Bisha Barakeysan ee Ramadan sidaasi darteedna ay ubaahan yihiin in ay helaan cunto ku filan si ay uga qeyb qaataan Bisha Ramadaan.

Dadka ku nool kaamamka ku yaalla magaalada Boosaaso ayaa cabashadooda maalmihii udambeysay waxa ay aheyd mid isa soo tareysay, iyadoo wali aysan helin wax gar gaar ah.

halkan ka dhagayso

Developed by Jago Desain