Posts

Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal dhexmaray galabtay ciidamada Puntland & Galmudug



Wararka naga soo gaaraya caawa magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijinaya in ay galabtay Maleeshiyo ka tirsan ciidamada maamulka Koonfurta Gaalkacyo ay isku dayeen in ay weerar ku qaadaan Saldhig ay ciidamada Difaaca ee dawladda Puntland ku leeyihiin deegaanka Teerage ee Galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Maleeshiyada ayaa weerarkan abaabulkiisa wadey saacadihii ugu dambeeyey, waxaana dhacay iska horimaad culus oo labada dhinac dhexmaray, sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil kamid ah ciidamada dawladda.

Khasaare ayaa ka dhashay dagaalkan, waxaana Maleeshiyadii weerarka soo qaaday dib looga saaray meelihii ay soo galeen, iyadoo warar kala duwan ka soo baxyaaan khasaaraha gaaray. Saraakiisha ciidamada Amniga ee Gobalka Mudug, inkastoo ay ka gaabsadeen in ay khasaaraha ka hadlaan, haddana warar madax banaan ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaarayso in ka badan 3 qof oo ah Maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Ilaa hadda labada dhinacba si rasmi ah uma aysan hadlin, waxaana ciidamada Difaaca ee Puntland lagaliyey heegan sarre, maadama weerarkan u muuqdey mid ladoonayey in lagu gaado ciidamadaas oo kusugnaa goob muhiim ah oo kutaala duleedka deegaanka Dhagaxyo Cadde ee u dhaw magaalada Gaalkacyo.
Developed by Jago Desain