Daawo Barnaamij Gaar Ah: Booqashadii Wasiirka Haweenka iyo horumarinta Qoyska Puntland Ee Taleex

Wasiirka Haweenka iyo horumarinta Qoyska Puntland Aniso Xaaji Muumin iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa maalintii bishu aheed 8 bisha 5-shanaad waxa ay gaartay magalada Taleex oo ka tirsan Gobalka Sool.

Wafdiga waxaa kusoo dhaweeyay Taleex mamulka degmada iyo boqalaal ka mid ah dadka deggan degmada oo isagu jira ragg,haween iyo carruur, ujeedka socdaalkooda ayaa salka ku haya u kuur galida xaalada deegaanka iyo dhagax dhiga xaruntii ugu horaysey oo ay wasaradda Haweenka ka hirgalinayso Taleex. Wasiirka Haweenka Aniso Xaaji Muumin ayaa sheegtay inay ka mahad celinayso sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay magalada, waxa kale ay tilmaamtay inay ka go’an tahay sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha haweenka ee Taleex, maadama wasaraddu ay u addeegto dadka jilicsan sida haweenka iyo carruurta.

Developed by Jago Desain